Soomaaliya: Kalfadhiga Gollaha Shacabka oo la hakiyay [Dhageyso]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaabada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta u billowday fasax labo bilood ah kadib markii l ahakiyay kalfadhiga 2aad ee Gollaha.

Waxaa xarunta Gollaha Shacabka lagu qabtay kulankii 39aad ee Gollaha Shacabka kaasi oo lagu soo gabagabeynayay Kalfadhiga 2aad, kaasi oo Gudoonka uu kusoo bandhigay waxqabadka Gollaha kulamdii ay yeesheen Xildhibaanada.

Gudoomiyaha ku xigeenka labaad ee Gollaha Mahad Cawad Cabdalla oo hadal ka jeediyay kulanka xiritaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ansixiyeen 3 sharci, 8 qaraar, hal heshiis labo miisaaniyadooda [2017 iyo 2018] iyo labo xisaab-xir 2015 iyo 2016.

Waxa uu sidoo kale Gollaha Shacabka akhrinta 1aad mariyay 17 hindise sharciyeed, iyadoo waxqabdka guud ee Xildhibaanada kalfadhiga 2aad uu yahay 33 waxqabad oo la meel-mariyay.

Xildhibaanada ayaa wixii maanta ka dambeeyay galaya fasax labo bilood ah, waxaana la filayaa inay dib isagu soo laabtaay Kalfadhiga 3aad oo furmi doona bisha Febuary ee sanadkan cusub 2018-ka.

Xiritaanka kalfadhigan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhaxeeya gudoonada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM