Soomaaliya: Laba diyaaradood oo Rakaab siday oo markale ku sigtay inay isku dhacaan

Image
Isqabqabsigan ayaa halis gelin kara kalsoonida lagu qabo in Soomaaliya ay maamusho hawadeeda.

Hargaysa, Soomaaliya - Hay’adda Duulista Hawada Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in laba diyaaradood oo ay leeyihiin Imaaraadka iyo Itoobiya ay ku dhawaadeen inay isku dhacaan habeennimadii Axaddii.

Hay’adda ayaa ku eedaysay kontaroolka Muqdisho in ay xalay xog khaldan siiyeen diyaaradaha Emirate Airways iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo ku sigtay inay isku dhacaan.

Hadii ay rumoodow sheegashada hay’adaha Somaliland tan ayaa noqonaysa markii 2-aad oo ay laba diyaaradood oo ku duulaya hawada Soomaaliya ay ku sigtaan inay isku dhacaan, ka dib xog khaldan oo laga siiyay dhanka kontaroolka Muqdisho.

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in muranka hawadu ay sabab u tahay talaabooyin ay Somaliland qaaday; taaso ka mid ah inay shiday qalabka VHL oo lagala xiriiri karo dhamaan diyaaradaha adeegsanaya Hawada dalka.

Qalbkan oo markii hore yaalay Hargeysa iyo Muqidsho ayaa kaliya laga isticmaali jiray Muqdisho, balse hadda waxaa la warinaya in kontaroolka Hargeysa ay bilaabeen inay awaamir ka siyaan diyaaradaha.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin eedaymaha ka soo yeedhay Hay’dda Duulista ee Somaliland, iyada oo isqabqabsigan uu halis gelin karo kalsoonida lagu qabo in Soomaaliya ay maamusho hawadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM