Soomaaliya: Leexsashada gargaarka bini'aadannimo oo shir laga yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay mas'uuliyiin ka tirsan Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Qaramada Midoobay, oo uu horkacayay madaxa WFP Soomaaliya El-Khidir Daloum.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada hay’adood, sidii loo xaqiijin lahaa in lala dagaalamo leexsashada gargaarka bini'aadannimo iyo in la hubiyo in gargaarku si hufan u gaaro dadkii mudnaa ee loogu talagalay.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay hay’adda WFP wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeeysa SoDMA, dadaalka aan hagarta lahayn ee ay dalka ka waddo iyo guulihii taariikhiga ahaa ee labada dhinac wada gareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM