Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Image
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Abaare 5-tii galabnimo ee maanta ayaa lix qof oo ka tirsan shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud lagu diley qarax ka dhacay deegaanka Garasbaaley oo dhaca duleedka Muqdisho.

Qaraxa oo aad u xooganaa ahaana miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaari ay wateen shaqaalaha Shirkadda xilli ay ka baxeen xarunta shirkadda ee deegaanka Garas-Baaley, Kuna sii jeedeen xarunta Hormuud ee degaanka Ceelasha Biyaha oo ah halka ay ka howlgali jireen.

Magacyadda Shaqaalaha ku dhintay qaraxa ayaa kala ah:

1.Xuseen Macalim Cabdi Weheliye

2.Maxamed Cabdule Wardheere

3.Maxamed Axmed Wehliye (Gabaxeey)

4.Cabdikarim Cusmaan Cabdi

5.Cabdinasir Axmed Maxamuud

6.Cabdifitaax Nuure Cabdi Fiidow.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa, balse wuxuu imaanayaa xili 19-kii bishii lasoo dhaafay qarax lagu burburiyay laanta Hormuud ee aaga Daallo ee degmada Howlwadaag.

Waxaa jiray qaraxyo kale oo Muqdisho iyo meelo ka baxsan xarumaha iyo shaqaalaha Hormuud lagula eegtay, kuwaasoo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM