Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Image
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Abaare 5-tii galabnimo ee maanta ayaa lix qof oo ka tirsan shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud lagu diley qarax ka dhacay deegaanka Garasbaaley oo dhaca duleedka Muqdisho.

Qaraxa oo aad u xooganaa ahaana miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaari ay wateen shaqaalaha Shirkadda xilli ay ka baxeen xarunta shirkadda ee deegaanka Garas-Baaley, Kuna sii jeedeen xarunta Hormuud ee degaanka Ceelasha Biyaha oo ah halka ay ka howlgali jireen.

Magacyadda Shaqaalaha ku dhintay qaraxa ayaa kala ah:

1.Xuseen Macalim Cabdi Weheliye

2.Maxamed Cabdule Wardheere

3.Maxamed Axmed Wehliye (Gabaxeey)

4.Cabdikarim Cusmaan Cabdi

5.Cabdinasir Axmed Maxamuud

6.Cabdifitaax Nuure Cabdi Fiidow.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa, balse wuxuu imaanayaa xili 19-kii bishii lasoo dhaafay qarax lagu burburiyay laanta Hormuud ee aaga Daallo ee degmada Howlwadaag.

Waxaa jiray qaraxyo kale oo Muqdisho iyo meelo ka baxsan xarumaha iyo shaqaalaha Hormuud lagula eegtay, kuwaasoo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed geystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM