Soomaaliya: Madaxda dowladda oo la hadlay Dibadbaxiyaal [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dadweyne kula hadlay Stadium Konis.

Dadkan ayaa ka mudaharaadaya qaraxii ka dhaxay 14-kii bishan Isgoyska Zoobe, waxaana socod ay kusoo mareen qeybo badan oo kamid ah magaalada, kahor inta aysan isagu tagin Stadium Konis.

Dibadbaxiyaasha ayaa ku dhawaaqayay "Dooni-meyno Al shabaab, Dooni-meyno dhiig-daadiye" iyo erayo kale oo ay ku muujinayeen dareenkooda ku aadan qaraxii Zoobe, oo lagu dilay 300 oo qof.

Waxaa maanta gebi ahaanba la xiray isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha iyo sidoo kale ganacsaiga goobaha ku yaalla wadada Makka Al Mukarama, iyadoo Ciidamada ay aad u adkeeyeen amaankana.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo kumanaan gaaraya, islamarkaana ay kamid ahaayeen arday iyo haween ayaa tagey goonta uu qaraxa ka dhacay sabtidii lasoo dhaafay, halkaasi oo hadda uu ka socdo howlo nadiifin ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa gudi heer qaran ah u magacawday masiibadii dhacday, kaasi oo ka shaqeynaya hadda u gargaarida dadkii ku dhaawacmay, oo intooda badan la jiifiyay Isbitaallada Muqdisho.

Dowlado badan, oo Turkiga, Jabuuti, Kenya, Mareykanka, Qadar ay kamid yihiin ayaa gurmad daawo iyo dhaqaatiir usoo diray Muqdisho, waxayna dalalkooda u qaadeen dhaawacyadii dalka wax looga qaban waayay.

Dhacdadii Zoobe waxay noqotay mid midaysan shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudahiisa iyo dibadda intaba kuwaasi oo si isku mid ah uga dhiidhiyay xasuuqaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM