Soomaaliya: Maxaa looga hadlay Kulankii Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarunta Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, si uu ugu kuur galo shaqooyinka ay heyso hay’addaasi.

Xarunta Habar-Khadija waxaa ka dhacay kulan socday labo saac, kaasoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga Doodishe iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barri oo gadaal uga soo biiray wadahadalka Xasan Sheekh iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Mahad Salaad.

Wararka GO helay ayaa sheegay in Xasan Sheekh warbixin laga siiyay sidii uu u dhacay qaraxii Jaalle Siyaad, iyo tallaabooyinka la qaaday, iyadoo Madaxweynaha dalbaday isla-xisaabtan iyo in wax laga bedelo qaabka hadda wax ku wadaan hay'adaha amniga.

Wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in la xiray 14 Sarkaal oo uu ku jiro taliyaha saldhigga, balse warkaas ayaa been noqday, iyadoo taliyaha lagu arkay xerada isagoo xor ah, sida GO ogaadey. [Halkan ka akhri].

Madaxweynaha ayaa guddiyo gaar ah kala hadlay lacagaha sharci darrada ah iyo maalgelinta kooxaha argagixisada, isagoo sidoo kale ka dhageystay warbixino la xiriira guulaha ay dowladdu ka gaartay la dagaallanka awoodda dhaqaale ee ururka Al-Shabaab.

War saxaafadeed ay soo saartay dowladda ayaa lagu xaqiijiyay in la wiiqay awooddii Al-Shabaab ay si sharci darro ah ula wareegi jirtey lacagaha ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu yahay mid ku saleysan saddex waji oo kala ah ciidan, dhaqaale iyo fikir, dalkana aan la xoreyn karin, haddii aan laga shaqeyn seddexda waji.

Booqashada Madaxweynaha uu ku tagay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida ayaa ku soo aadeysa xilli dalka uu ka socdo diyaar garow ballaaran oo lagu bilaabayo wajigii labaad ee hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM