Soomaaliya: Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland oo booqanaya Gedo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

LUUQ, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray degmadda Luuq ee gobolka Gedo, Sida laga soo xigtay warbaahinta Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa gaaray Gedo, iyadoo ay wehlinayaan wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee maamulkaasi oo uu ka mid yahay Xildhibaan Baalle Ibraahim Cabdi iyo xubno kale oo saameyn ku leh siyaasadda Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo, kan degmada Luuq, iyo qeyba ka mid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan degmadaas.

Waxaana la filayaa in madaxweyne ku xigeenku uu kulamo la yeesho hawl-wadeenada gobolka kana dhagaysto baahiyaha ay qabaan, Sida ay sheegayaan ilo ku dhow maamulka

Qorshuhu ayaa ahaa in booqashadaan ay dhacdo shalay, halka dib loo dhigay iyadoo aan la shaacin sababaha. Balse ilaha qaar ayaa sheegaya in ay cilad ku timid diyaaradda qaadi lahayd Madaxweyne Ku-Xigeenka.

Booqashadan ayaa imaanaysa ka dib khilaaf sanado badan soo jiitamayay oo u dhaxeeyay maamulka madaxweyne Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiinta gobolka Gedo, kaasoo dadka deegaanka u diiday inay ka faa'iideystaan mashaariica horumarineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM