Soomaaliya: Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland oo booqanaya Gedo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

LUUQ, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray degmadda Luuq ee gobolka Gedo, Sida laga soo xigtay warbaahinta Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa gaaray Gedo, iyadoo ay wehlinayaan wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee maamulkaasi oo uu ka mid yahay Xildhibaan Baalle Ibraahim Cabdi iyo xubno kale oo saameyn ku leh siyaasadda Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo, kan degmada Luuq, iyo qeyba ka mid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan degmadaas.

Waxaana la filayaa in madaxweyne ku xigeenku uu kulamo la yeesho hawl-wadeenada gobolka kana dhagaysto baahiyaha ay qabaan, Sida ay sheegayaan ilo ku dhow maamulka

Qorshuhu ayaa ahaa in booqashadaan ay dhacdo shalay, halka dib loo dhigay iyadoo aan la shaacin sababaha. Balse ilaha qaar ayaa sheegaya in ay cilad ku timid diyaaradda qaadi lahayd Madaxweyne Ku-Xigeenka.

Booqashadan ayaa imaanaysa ka dib khilaaf sanado badan soo jiitamayay oo u dhaxeeyay maamulka madaxweyne Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiinta gobolka Gedo, kaasoo dadka deegaanka u diiday inay ka faa'iideystaan mashaariica horumarineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM