Soomaaliya: Mas'uul isku-day dil kaga badbaadey Muqdisho

Image
Falkan ayaa imaanaya saacado kadib markii ciidanka ay ka adkaadeen dabley 23-saac haysatay Hotel ku dhow Madaxtooyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, Ibraahim Muxyadiin Macow, ayaa ka badbaadey qarax miino oo Talaadada maanta ah lala eegtay, sidda ay xaqijiyeen illo dhanka amniga ah.

"Ma jirto cid kale oo ay waxyeelo kasoo gaartey. Kaliya waxaa burbur kooban uu haleelay gaariga mas'uulka. Baaritaan ayaana ku bilownay cidda ka dambeysay," ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli 27-dii bishan November ay Al-Shabaab weerar ku bilowday is-miidaamin muddo 23-saac ku haysatay Villa Rays Hotel oo dhowr talaabo u jira Madaxtooyadda Qaranka.

Xidhibaan Dayax Axmed Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa is-waydiiyay sababta NISA u hesho macluumaadka gudaha xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida balse uga hortagi wayday duulaankan.

"Isha sirdoonka ee Ceeldheere, Buraale iyo meelaha kale xogta ka keena ee Madaxtooyadda aan ka warqabin ayaan la yaabay. Ii dheh waaye cajiib," ayuu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Tan iyo 15-kii May, 2022, Soomaaliya waxaa ka dhacay saddex weerar oo muddo saacado ay ay rag ka tirsan Al-Shabaab ku haysteen Hotel waxaana ugu waqti dheeraa Xayaat Hotel oo ay ku jiraan ku dhowaad 31 saac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM