Soomaaliya: Mas'uuliyiin lagu waayay musuqmaasuq oo lasii daayay

Image
Labadan agaasime ayaa ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Talaado ah sii deysay labo agaasime oo hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sii deynta labadan shaqsi ayaa waxa ay ka dambeysay ka gadaal markii lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay kaasoo ahaa in ay sameeyeen musuq maasuq baahsan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Sayid Cali Maxamed ayaa ku dhawaaqay in Maxkamaddu aysan wax dambi ah ku helin C/llaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar, waxaana uu ku amray Hay’adaha ay khuseyso in la sii daayo, isla markaana xoriyadooda loo soo celiyo.

Taas bedelkeeda, Maxkamaddu waxay saddex sano oo xarig ah ku xukuntay C/waaxid Muxsin Ibraahim oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada, ka dib markii lagu helay in lacag lagu shubay Akoonkiisa halkii Qasnada dawladda.

Bishii hore ayay aheyd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay dambiyo la xiriira musuq maasuq ku weyday Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyo Muxidiin Xasan Jurus ‘Saabey’ oo ahaa Madaxii Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM