Soomaaliya: Maxaa sababay booqshada madaxweynaha ee degmada Maxaas?

Image

MAXAAS, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, oo ka mid ah Magaalooyinka ugu waaweyn ee laga abaabulay dagaalada ka dhanka ah Ururka AS.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka laga soo tago qeybaha kala duwan ee bulshada uu kulamo la qaato taliyeyaasha ciidamada iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu kala hadli doono arrimo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka ah ee ku sugan Hiiraan ay ka qeyb qaadan doonaan howlgallada ka socda bariga gobolka Galgaduud. Taasi waxay ka dhigaysaa in dhamaan maamulka Galmudug uu ka xoroobo kooxda AS.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u ballan qaaday inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah AS inta laga saarayo guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM