Soomaaliya : Maxay ahaayeen qaraxyadii laga maqley Muqdisho ?

Image

(GO) - Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta qarxiyay miinooyin lagu aasay wadada hormarta xerada Arbaco ee ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysey aasidda Miinooyinkan si ay ula beegsadaan ciidamada taga xerada.

Saraakiisha amniga ayaa inoo xaqiijiyey in Ciidamada Qalabka Sida ay ku baxeen goobtaasi, si ay uga soo saaraan Miinooyinka iyaga oo isla goobtii ku qarxiyey, waxaana taas ka dhashay in jugta qaraxa laga maqlo qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiisha ka tirsan laamaha ammaanka, qaraxyadaasi ma jiraan wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay, halka Dowladdu aysan weli soo bandhigin xog rasmi ah.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay xaalad amni xumo, kadib markii Al-Shabaab ay u suuragashay in weeraro soo noq-noqda ay ku qaadaan xerada Arbaco.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka markii ay weerareen maalmo ka hor, iyagoo calankooda ka taagay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM