DF: Meel aan maxkamadda ICJ ahayn laguma xalinayo dacwada badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah uga fal-celisay dalabkii ka yimid Kenya ee ku aadanaa in muddo 12-bilood ah dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda.

Muqdisho ayaa codsiga ay Nairobi u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ku tilmaamtay mid "dhibaato qoto dheer leh" isla markaana "aanan lahayn wax cudur daar ah, dhaawacayana nidaamka garsoorka".

Danjiraha dalka dhaca Geeska Afrika u qaabilsan arrimaha Midowga Yurub kaasi oo jawaabta rasmiga ah ee waddanka gudbiyey ayaa meesha ka saarey in kiiskan lagu xalin doono wada hadal, taasi oo ah rajada Kenya.

"Mowqifkeena rasmiga ah ee arrintaasi waa in dhageysiga aanan la baajin karin… shan sano ayuu soo jiitamayey…waqtigan waxaa la joogaa xiligii la dhageysan lahaa," ayuu Dr Cali Saciid Fiqi u sheegay VOA-da.

Kenya ayaa soo jeedinteena waxay qiil uga dhigatay in ay u baahan tahay waqti dheeraad ah oo ay ku qoroto qareeno cusub oo difaaca doodeeda maadaama ay eriday kuwii hore markii ay natiijo keeni waayeen.

Gal-dacwadeedkan oo soo bilowday bishii August ee 2014-kii ayaa ku saleysan goob badkeedu yahay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Shidaalka.

Dowladda Uhuru Kenyatta oo xusul-duub ugu jirta in wada xaajood lagu dhameeyo qadiyadan ayaa ku hungowday isku dayo badan oo ay ku raadineysay arrintaasi oo ay ku jirto cadaadis diblumaasiyadeed.

"Dowladda [Federaalka] Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu xaliyo meel aan ahayn Maxkamadda [ICJ]," ayuu hadalkiisa ku daray safiirka.

Dhinaca kale, xeer-beegtada hoostagta Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay magaaladda Hague ee waddanka Holland ayaa la filayaa in ay go’aan kasoo saarto dalabka Kenya, ugu dambeys illaa iyo Jimcaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM