Soomaaliya: Mucaawino loo dirtey Galmudug iyo SSC-Khaatumo

Image
Gargaar raashinka ah ayaa qeyb ka ah deeqaha dowladda Russia ugu tabarucdey Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud M. Cabdulle ayaa dekedda magaalada Muqdisho maanta ka amba-bixiyay gargaar raashin ah oo qeyb ka ah deeqaha dowladda Russia ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed ee colaadaha, abaaraha iyo fatahaadda cimilada El-Nino wax-yeelleeyeen.

Gargaarkaan ayaa ku wajahan degaannada dowlad goboleedka Galmudug oo ku dhawaad sanad ay ka socdaan dagaallada dib u xoreynta dalka iyo maamulka Khaatumo oo sanadkaan dhammaadka ah qoysas badan goryahooda ka barakaceen kadib colaadihii magaalada Laascaanood iyo inta badan gobolka Sool.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin oo hadal kooban siiyay saxaafadda ayaa sheegay in deeq-bixiyayaasha iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay si weyn uga soo jawaabeen baaqyada gurmadka, isla-markaana uu hay’adda soo gaaray raashin ku filan gobollada dalka oo dhan.

Sida uu xusay Guddoomiyaha, qorshada SoDMA ee shanta sano ee soo aaddan ayaa ah, in dadka Soomaaliyeed lagu dhiiragaliyo lagana gacan siiyo sidii ay u maal-gashan lahaayeen mashaariicda dhisaysa adkaysiga iyo la qabsiga musiibooyinka, ka soo kabashada iyo horumarka, si looga baxo baahida iyo gacan hoorsiga.

Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa hore waxa xusid mudan in sidaan oo kale doomo iyo gawaari sida shixnado gargaar ah waxa ay ugu dirtay maamulada puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo maamulka Hirshabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM