Rooboow: Shati ayaan u jaraynaa dugsiyada iyo masaajidada 

Image
Mar uu ka hadlayay Macawiisleyda ayuu la barbardhigay kooxihii wax-iska-caabbinta Ciraaq ee dalkaasi ka saaray kooxdii Daacish.

MUQDISHO, (GO)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Rooboow ayaa bixiyay wareysi dhif ah tan iyo intii uu ku biirey Golaha Wasiiradda, wuxuuna ka hadlay hawlgalka Alshabaab ka dhanka ah. , wuxuu sheegay in dagaalka dhanka fikirka ugu weynyahay, iyada oo wixii hadda ka dambeeya shati looga baahanyahay ciddii faafinaysa diinta Islaamka. 

Wareysi uu siiyay wargeyska Guardian ee Ingiriiska kasoo baxa, kaas oo weriyeyaal ka tirsan ay todobaadyadani u casuunaayeen dowladda Xasan Sheekh, ayaa sheegay in qasaarihii ugu badnaa uu isaga qoyskiisa kasoo gaaray dagaalka , wuxuuna sheegay in lagu dilay wiilkiisa, laguna goowracay seedigiis oo ay walaashiis u ilmo dhashay, dadkaasi Ay u dhinteen Isaga dartiis. 

Mar uu ka hadlayay ciidamada Macawuusleyda ayuu la barbardhigay kooxihii wax-iska-caabbinta Ciraaq ee dalkaasi ka saaray kooxdii Daacish. 

Rooboow ayaa sheegay in dowladda soo rogeyso in shati loo jaro cid kasta oo faafinaysa diinta, sida imaamyada masaajidada iyo macalimiinta dugsiyada Qur’aanka. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay isla wargayskan ayaa sheegay in sababta Rooboow wasiirka looga dhigay tahay in madaxda Alshabaab Ay fahmaan in aanan la bahdili doonin haddii ay isa soo dhiibaan, iyada oo uu Rooboow xiriir la bilaabay hoggaamiyeyaasha Alshabaab sida uu madaxweynaha sheegay. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM