Soomaaliya: Muudeey oo qoraal soo saarey xilli wadooyinka Muqdisho la xirey

Image

MUQDISHO- Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saarey  qoraal uu ku sheegayo in uu weli taagan yahay mooshinkii ka dhanka ahaa afhayeenka Golaha Shacabka Maxamad Cismaan Jawaari.

Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey oo soo saarey qoraal ku taarikhaysan 29/03/2018 ayaa sheegey in isagoo ah ku simaha gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka aysan waxba iska badalin sharciga iyo habraacii loo mari lahaa mooshinka ka dhanka ah Maxamad Cismaan Jawaari isagoo yiri waxaa maalinta Sabtida ah 31/03/2018 la hoorgeynayaa Golaha.

Muudeey ayaa sidoo kale sheegey in guddiga joogtada ah sida Xeer hoosaadku qabo wax go’aan ah aysan gaari karin hadii Kalfadhigu furan yahay iyadoo shaqadoodu tahay oo kaliya markii xildhibaanada aqalkaan fasax ku jiraan.

Ku xigeenka Kowaad ayaa ugu dambeyn qoraalkiisa maanta uu soo saarey ku sheegey in Gudoomiyaha aqalka uusan wax hadal ah iyo hogaamin ah golaha ku laheyn inta arinkiisa lagu guda jiro.

Qoraalka ku xigeenka Kowaad ee aqalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta kulan Gudoomiye Jawaari  la yeeshey guddiga joogtada ah ee Barlamanka isla garteen in ajandaha kalfadhiga maalinta berri ah laga dhigo arimaha ka taagan Balad Xaawo.

Dhinaca kale waxaa la xirey dhamaan wadooyinka halbowlaha ah ee soo gala xarunta aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya iyadoo aad loo adkeeyey amniga xayndaanka xarunta golaha shacabka.

Talabadaan ayaa imaaneysa xilli maalinta berri ah garabyada iska soo horjeeda ee Barlamanka u balansan yihiin iney ka hadlaan ajendayaal kala duwan.

Lama oga garabka loo furo doono Barlamanka maalinta berri ah iyadoo ciidamo xoogan la soo dhigey gudaha Barlamanka.

Hoos Ka Akhri Qoraalka Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Federaalka ah:

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM