Soomaaliya: Naf iyo hanti ku baaba'day Qaraxii Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Qarax galabta xilligii salaadda Casar ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa gaystay saamayn xoog leh oo isugu jirta, dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas oo loo adeegsaday qaari nooca Xamuulka qaada oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa. Balse wararka soo baxaya waxay sheegayaan inay dhinteen inta u dhaxaysa 50 illaa 60 qof halka dhaawacu gaarayo in ka badan 100 qof.

Qaraxan ayaa dhulka dhigay dhammaan dhismayaashii isgoyska Zoobe oo ah goob aad u mashquul badan islamarkaana dadweynaha iyo gawaaridu aad u isticmaalaan.

Sawirro lagasoo qaaday goobta ayaa muujinaya dhibaatada goobta ka dhacday, waxayna u ekeetay meel dhul gariir ka dhacay.

Goob jooge ka mid ahaa dadkii meeshe ku sugnaa markii weerarku dhacaya ayaa isagoo ilmayna qaraxaas ku sifeeyay masiibo iyo mid uur ku taallo ku reebtay shacabka Soomaaliyeed. Wiilkaas oo sheegay inuu kamid yahay dadka Bajaajleyda ah ayaa xusay inuu waxyar uun ka hor ka gudbay meesha xilli wadadu xirnayd.

Hotel Safaari oo kamid ahaa dhismayaasha meesha ku yaallay ayaa bur-buray. Goobaha caafimaadka ayaa buux dhaafay, waxaana ilaa hadda socda gurmad loo fidinayo dad mayd ah oo wali ku jira dhismayaasha bur-buray. 

Dowladda Soomaliya ilaa hadda war rasmi ah masoo saarin, balse waxaan Muqdisho ka socda qorshe dhiig loogu deeqayo dadka bad-baaday ee dhaawaca ah.

Ururka Al Shabaab ayaa loo malaynayaa inay ka dambeeyaan Qaraxa Muqdishu. 

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana dadka dhintay kamid ah ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaliya. Goobta shilku ka dhacay ayaa la xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM