Soomaaliya oo bilowdey diiwaan-gelinta diyaaradaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa Jimcada maanta ah waxay shaaca ka dhigtay in ay si rasmi ah u bilowdey diiwaan-gelinta shirkadaha diyaaraddaha iyo tiradda howlwadeenada ka shaqeeya.

Axmed Macalin Xasan, agaasimaha hay'addaas, ayaa tibaaxay in daahfurka nidaamkan uu daaran yahay si loo hubiyo badqabka diyaaradaha iyo in muwaadiniinta soo iibsada diyaarado ay ruqsad helaan.

"Waa markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay taariko siiso diyaarad uu leeyahay shaqsi Soomaali ah. Horey uma jirin dowladdii dhexe," ayuu u sheegay barnaamijka duhurnimo ee Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da.

Mr Xasan oo carabka ku dhuftay in ay maanta ruqsad siiyeen diyaaradii ugu horeysay ayaa fahfaahin dheeraad ah ka bixiyey nidaamkan.

"Waa nidaam lamid ah midka baabuurta. Taarikada diyaaradaha waxaa lagu qoraa qeybta dambe iyo baalasha oo lagu dhejiyo mid aan burbureyn si loo aqoonsado hadii ay burburto oo loo diyaarado diyaaradii noocaas ahayd oo watay taariko noocaas ah," ayuu hadalkiisa ku daray agaasime Axmed Macalin.

Sidda laga soo xigtay agaasimaha, hirgelinta nidaamkan waxay kamid ahayd shuruudihii ay Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka hawada oo kalkii hore ay dalka Kenya ka maamuleysay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Balse wuxuusan agaasimuhu soo bandhigay tafaasiisha la xiriirta shuruudaha ay diyaaradaha ku helaan ruqsada iyo waxyaabaha ay ku wayn karaan.

Inkasta oo dowladda haatan jirta ay dhameystirtay geedi-u-socodka lasoo wareegida, haddana wuxuu ahaa nidaam ay kasoo wada shaqeeyeen xukuumadihii ka horeeyay taas oo la macno in labinta aysan dowladda Farmaajo wada sheegan karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM