Soomaaliya oo "bixisay" dhul ay Masar ka dhisaneyso safaarad

Image

QAAHIRA, Masar – Dowladda Soomaaliya ayaa calaamadeysay dhul laga dhisayo safaarad ay Masar ku yeelaneyso magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sida uu wariyey wargeyska afka dheer ee Al-Monitor.

Warbixinta ayaan lagu soo bandhigin tafaasiil dheeraad ah oo ay kamid tahay haddii dhulka rasmi ahaan loogu wareejiyay xukuumadda Qaahira iyo goobta uu kaga yaalo magaala madaxda waddanka.

Shaacintan ayaa kusoo aadeysa xilli dhowaan uu Masar kasoo laabtey ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble kaasoo socdaal ku tagay dalkaas kadib marti-qaad uu ka helay madaxwayne Al-Siisi.

Mudadii uu ku sugnaa Qaahira, Rooble ooh adda mas'uul ka ah daadihinta howlaha doorashooyinka aadka u daahay ee Soomaaliya ayaa la kulmay dhigiisa iyo wasiirka arrimaha dibadda ee waddankaas.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta labada dhinac, wadaxaajoodyadda ayaa diiradda lagu saarey hagaajinta cilaaqaadka laba geesoodka ah oo hoos-u-dhacay afartii sano ee Farmaajo xilka hayey.

Bishii Febraayo ayay ahayd markii Soomaaliya ay safiir cusub u magacowdey Qaahira kadib markii danjirihii hore ahaana u ergaygii Jaamacada Carabta Maxamed Waceys uu Covid-19 u dhintey bishii May ee 2020-kii.

Haddii la hirgeliyo dhismaha safaaradda cusub, Masar ayaa kamid noqoneysa dalal dhowr ah oo joogitaan buuxa ku leh Muqdisho maadaama inta badan dowladaha ay xafiisyadoodu ku yaaliin caasimadda Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM