Soomaaliya oo caalamka waydiisatay maalgelin si xal loogu helo daadadka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo degaanada fatahaaduhu saameeyeen.

Khayre ayaa Arbacadda maanta ah warqadda codsiga wuxuu u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah.

Sidda uu baahiyey safiiskiisa, Dowladda Federaalka ah ayaa waxa uu xusay in ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto.

Hase yeeshee xaalladda hadda taagan ayuu cod dheer ku qeexay "in ay u baahan tahay in si wadajir ah leesaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran".

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen.

Dhimasho, barakac baahsan iyo burbur kaabayaal dhaqaale oo yimid ayuu tibaaxay "in ay uga sii dareen xaaladii bini’aadninimo ee horay u taagneyd".

"...lana filayo in maalmahaan roobabku sii socodaan, biyaha wabiguna ay sii sare marayaan, arrintaas oo sababeysa daadad dheeraad ah," ayaa lagu yiri qoraal xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumada Muqdisho kasoo baxay.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu  helay Garowe Online ayaa intaas ku daray: "Mudane Xasan Cali Khayre [ayaa] adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto".

Beesha caalamka ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey inay maal geliyaan "xalka waara ee mustaqbalka" si looga gaashaanto dhibaatooyin nuucaan oo kale in ay dalka kusoo laabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM