Soomaaliya oo codsatay in albaabada loo laabo xafiiska UN-ka ee Muqdisho

Image
Talaabadaan ayaa imaanaysaa xilli howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ka baxayaan dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal u dirtay Qaramada Midoobay kaas oo ku codsanayso in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) la joojiyo dhammaadka Oktoobar 2024.

Xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wax ay dalabkan u cuksatay "iyadoo la tixgalinayo mudnaantayada istaraatiijiga ah."

“Dowladda Soomaaliya mar dambe ma codsan doonto dib u cusboonaysiinta qaraarka tirsigiisu yahay 2705 (2023),” ayaa lagu yiri warqadda uu qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi.

Warqadan ayaa waxaa golaha u akhriyay madaxweynaha hadda ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kaas oo ku daray ajendayaasha looga doodayo fadhiyadda soo aadan.

War-saxaafadeedkan oo ku taariikheysan May, 05, 2024 ayaa waxa uu intaas ku darayaa: "Waxaan aaminsanahay inay hadda ku habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee iskaashigayada".

"Waxaan kalsooni ku qabnaa in guulihii iyo casharradii laga bartay intii lagu jiray joogitaanka howlgalka ay sii wadi doonaan inay hagaan dadaalkeenna ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Talaabadaan ayaa imaanaysaa xilli howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ka baxayaan dalka islamarkaana dalka Soomaaliya weli ku  tiirsan yahay taageerada caalamiga ah ee dhinacyada muhiimka u ah dib u dhiska hay’daha Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM