Soomaaliya oo codsi cusub u dirtey boqortooyadda Ingiriiska

Image
Xamse ayaa dalabkan hor-dhigay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis.

Qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta Xamse ayaa lagu sheegay in labada mas'uul ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Xamse ayaa, sidda ku cad bayaanka, waxa uu Danjiraha la wadaagay qorshaha Xukuumadda ee ku wajahan dib u xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyo Khawaariijta iyo dardar-galinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis , oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal," ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka ayaa intaas ku daray: "Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay qorshaha Xukuumadda ee ku wajahan dib u xoreynta dalka, taageerada loogu baahan yahay barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyo Khawaariijta iyo dardar-galinta mashruucyada horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo amniga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM