Soomaaliya oo codsi u dirtey maalgashatada dalka Talyaaniga

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa dhigeeda Roma ku tilmaamtey "saaxiib iyo taageere aan isbadalin".

ROMA, Talyaaniga - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacada LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome dalka Talyaaniga ayaa codsi u diray maalgashatada waddankaas.

Maamulkiisa ayuu carabka ku adkeeyay in uu "horumar wanaagsan ka sameeyay" dadaalada soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah gaar ahaan dhinaca shuruucda balse ma uusan soo qaadin caqabada ammaanka.

"Fariinta aan u dirayo maalgashada Talyaaniga waxay tahay 'u kaalaya in aad maalgashataan dalkiina labaad, kaalaya si aan usii ambaqaadno xiriirka gaarka ah ee aan la leenahay Talyaaniga anaga oo marayna horumar dhaqaale oo wadajir ah," ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa ah caqabada ugu weyn ee amniga Soomaaliya. Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa fulisa weeraro ay ku beegsato xarumaha dowladda. Balse, waxaa hadda socda olole lagu ciribtirayo.

Dowladaha taageera Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Mareykanka, Turkiga iyo Midowga Yurub ayuu cod dheer kaga codsadey in ay dardargeliyaan taageeradooda dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Dhinaca kale, dowladda Talyaaniga ayuu si gaar ah ugu tilmaamay "saaxiib iyo taageere aan isbadalin oo ay Soomaaliya leedahay xiliyaddaha fursadaha iyo caqabadaha".

Taageerada xukuumadda Roma ay siiso Soomaaliya ayaa u badan dhanka tababarka ciidanka iyadda oo soo marisa Midowga Yurub. Sidoo kale, waxay qeyb ka tahay dowladaha deymaha ku leh Muqdisho una ololaynaya in laga cafiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM