Soomaaliya oo dalab cusub u dirtay Midowga Yurub

Image
Image
Image
EU oo joogitaan rasmi ah ku leh Muqdisho ayaa kamid ah daneeyeyaasha ugu muhiimsan ee arrimaha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Arbaco ah kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho, nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiiradda Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Tiina Intelmann.

Balal ayaa tilmaamay heerka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Yurub, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay xoojinta wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee ay la leedahay Midowga Yurub.

Wuxuu kaloo xusay baahida loo qabo in la kordhiyo xaddiga gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, lana ballaariyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Wasaaraddiisu ay diyaar u tahay in ay u fududeyso wixii tas-hiilaad ah Danjire Tiina Intelmann si ay uga soo dhalaasho howsha loo igmaday si guul leh oo la mahdiyo.

Dhankeeda, Intelmann ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in ay Midowga Yurub u matasho Soomaaliya oo ah dal qurux badan, dadkiisuna yihiin kuwa leh himillo sare, iyada oo ku nuuxnuuxsatay sida ay uga go’an tahay in ay hore u dhaqaajiso iskaashiga Soomaaliya iyo Yurub.

Haweenaydan ayaa xustey in EU sii wadayso taageeridda dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigayso amniga, xasiloonida iyo dib-u-heshiisiinta iyo ka hortagga caqabadaha horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:47AM

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM