Farmaajo oo codsi hor-dhigay guddi ka socday Qaramada Midoobay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta.

MUUQAALKA KULANKA

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM