Soomaaliya oo dib u dhistay Machadka Qaranka Dibloomaasiyadda

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay dib u dhis balaaran ku sameysay Machadka Qaranka ee Dibloomaasiyadda.

Mashruucaan ayaa waxaa maalgelisay dowladda Qadar oo cilaaqaad aad u dhow la leh xukuumadda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dib u dhiska machadkan ayaa wuxuu qayb ka ahaa is-afgarad ay hogaamiyeyaasha labadda waddan kala saxiixdeen.

Munaasabadda xarig jarka oo lagu waddo in ay mas'uuliyiin kala duwan ka qeybgalaan ayaa loo muddeeyay 2-da bisha December ee 2019-ka.

Kadib munaasabadda xarig jirka, waxaa la filayaa in si rasmi ah ay uga bilowdaan bixinta casharadda, iyadda oo ay dalka diyaar ku yihiin Macalimiinta.

Machadkaan oo la aas-aasey sanadka markii uu ahaa 1986 ayaa wuxuu kamid ahaa hay'addihii dowliga ahaa ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee dhacay.

Xukuumadda Dooxa ayaa saameyn xoog leh waxay ku yeelatay siyaasada dalka tan iyo markii ay timid dowladda Farmaajo oo mudada xileedkeed gabagabo yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM