Soomaaliya oo difaacdey heshiis ay la gashay dowladda Kenya

Image
Heshiiskan ayaa waxa uu xuquuq gaar ah siinayaa shirkado diyaaradeed oo ‘la cayimay’.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya iyo Kenya ayaa wada galay heshiis dhinaca hawada ah, sidda ay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo kal aduwan oo u dhuun-daloola qaddiyadan.

Heshiiskan ayaa waxa uu u ogolaanaya shirkado diyaaradeed oo ‘la cayimay’ oo ka kala socda laba dal inay maamulaan duulimaadyada magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Balse shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida ayaa ka cabsi qaba heshiiskan, maadaama ay ka walaacsan yihiin in heshiiskan uu abuuro isku dheelitirnaan la'aan dhanka hawada ah, taasoo ugu dambeyn keeni karta in shirkadaha Soomaalida laga saaro suuqa.

Balse wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa difaacdey heshiiskan buuqa xooggan dhaliyey kaasoo ay u saxiixday Soomaaliya.

Wareysi ay siisey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayay ku sheegay in heshiisku uu ilaalinayo shirkadaha Soomaalida, mana khuseeyo duulimaadyada gudaha.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadaaga xuduud dhanka cirka iyo bariga ah taas oo khatarta ugu weyn ay uga imaaneyso kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM