Soomaaliya oo diiday dalabka Kenya ee dib u dhigda kiiska badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si cad uga hor-timid dalab ka yimid Kenya ee ku aadan in dib loo dhigo dacwadda badda.

Illo wareedyo dhanka diblumaasiyadda oo ka tirsan xukuumadda Muqdisho ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah iyo VOA-da in ay arkaan talaabadaasi "waqti lumis".

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa dhageysiga galkan waxay u muddeysay 9-ka bisha September ee sanadkan 2019, waxayna socon doontaa illaa 13-ka.

Xukuumadda Nairobi ayaa qiil uga dhigtay codsigeeda in ay "u baahan tahay waqti dheeraad ah oo ay kusoo xulato kooxdeeda difaaca ee uga qeybgaleysa dooda".

Lama yaqaano waxa uu noqon doono mowqifka ay xeer-beegtada hoostaga Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay Holland ka qaadan doonto soo jeedinta Kenya.

Dacwadda dalalka deriska ah dhextaalo ayaa ku aadan goob badkeeda lagu sheegay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah kheyraadka sida Gaaska iyo Shidaalka.

Dowladda Federaalka ah ayaa waxay dacwadan gudbisay bishii August ee sanadkii 2014-kii, kadib markii fashilmeen dedaalo la doonayay in wada hadal lagu dhameeyo.

Kenya ayaa tan iyo xiligaasi waxay ku naawisay in kiiskan lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda, taasi oo u muuqato mid karaar-siisay bilooyinkii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM