Soomaaliya oo diidday dhexdhexaadinta dalalka gobolka ee khilaafka Itoobiya

Image
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay ogolayn wada-hadal.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna ku simaha Wasiirka arrimaha dibedda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa markale si adag uga hadlay damaca Itoobiya ee ku aadan Badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in damacaasi uu la mid yahay dowladda Masar oo heshiis ku saabsan biyaha webiga Nile la geshay gobolka Amxaarada, isaga oo sheegay in aanay jirin Cid ku taageertay Itoobiya gardarrada ay waddo.

Wasiirka oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mowqifka Itoobiya oo ka soo dabacday halkii horee, wuxuuna intaasi ku daray in ay Soomaaliya u soo dirtay ergo caalami ah iyo mid gobolka ah si heshiis looga gaaro arrinta badda.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay ogolayn wada-hadal ilaa ay dawladda Itoobiya ka baxayso heshiis beenaadkii ee ay la gashay dawladda Somaliland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM