Soomaaliya oo dirtay safiirkeedi ugu horreeyay ee Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa markii ugu horeeyay safiir u dirtay dalka Eritrea, ka dib markii Madaxweynaha Dalkaas Isaias Afwerki uu guddoonsiiyay Danjire Cumar Idiris warqadaha aqoonsiga.

Danjire Cumar Idiris oo horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Qatar, ayaa boggiisa Twitter-ka ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay mar uu warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweyne Afwerki.

Tallaabadan ayaa loo arkaa inay kor u qaadayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhaxeeyo labada dal.

Danjire Idiris ayaa sidaan ku noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u jooga Eritrea, labada dal ayaa sandahan dambe dhexmaray iskaashi dhanka amniga ah, iyadoo kumanaan ka tirsan ciidamada Soomaaliya ay tababar ku soo qaateen Eritrea.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM