Soomaaliya oo garab-istaag u muujisay Afghanistan

Image
Image
Image

ISLAMABAD, Pakistan - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Islamabad ee dalka Baakistaan kaga qayb galay shir caalami ah.

Kulankaas ayaa wuxuu yahay Meertada 17-aad ee Shirka aan Caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkan ayaa looga hadlayey wax ka qabashada xaaladda bini'aadannimo ee ka jirta dalka Afgaanistaan. Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa muujiyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadka reer Afgaanistaan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Cali uu Ururka Iskaashiga Islaamka iyo guud ahaan Beesha Caalamka ugu baaqay in xal degdeg loo helo xaaladda bini'aadannimo ee ka jirta Dalkaas.

Taliban ayaa muddo sanado badan ah kadib waxay kusoo laabatay hogaaminta dalka Afghanistan kadib markii ay meesha ka baxdey dowladdii ay beesha caalamka ku taageereysay balaayiinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM