Soomaaliya oo Imaaraadka "ka raaligelisay" dhacdadii 2018-kii

Image
Image
Image
Image
Rooble ayaa sheegay in lacagtaas lagu qabtey garoonka Muqdisho dib loogu celinayo Abu Dhabi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Jimcadda maanta ah guddoomay deeq gargaar ah oo dowladda Imaaraadka Carabta.

Mucaawinadan ayaa, sida ay shaaca ka dhigtay xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, waxaa loogu talo gashay caawinta dadka ku nool waddanka ee  abaartu saameysay.

Xafiiska Rooble ayaa shaaca ka dhigay in Soomaaliya ay dhigeeda dowladda Imaaraadka "ka raaligelineyso" dhacdadii loogala wareegay loogala wareegay lacag bishii April ee 2018.

Sannadkii 2018-kii, Imaaraadka Carabta ayaa xiray xarun lagu tababaro ciidamada iyo isbitaal ku yaalla Muqdisho, kaddib markii ay isku dhaceen dowladda federaalka.

Sida ay warbixinadda sheegayaan, lacagta lagu qabtey garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ahayd malaayiin doolarka Mareykanka. Hase ahaatee, wali ma cadda tiradda saxda ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ballanqaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

Rooble oo Imaaraadka uga mahadceliyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM