Soomaaliya oo Itoobiya u aqoonsatay "saaxiib istiraatiiji ah"

Image
Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee ammaanka labada waddan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa carabka ku adkeeyay in iskaashiga laba geesoodka ah iyo kuwa badan ee kala dhaxeeya Itoobiya uu sii socon doono.

Xasan Sheekh oo sii hadlaya ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay tahay "saaxiib istiraatiiji ah oo xooggan" oo Soomaaliya ay ku leedahay mandiqada Geeska qaaradda Afrika.

Hadalkan ayuu Xasan Sheekh shaaca ka dhigay Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay kadib markii uu la kulmay safiirka Itoobiya ee xilka ka degaya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Xukuumadda Addis Ababa ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay door muhiim ah ka qaadatay nabadeynta iyo xasilloonida gobolka. Itoobiya waxay kamid tahay dalalka ciidanka ku taageeray ATMIS.

Dhanka kale, Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in madaxweynaha uu uga mahad celiyay Addis Ababa taageerada ay ka geysatay ololaha la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee ammaanka labada waddan. Kooxda ayaa dhamaadka sanadkii hore 2022 waxay isku-dayday in ay ka talaabto xuduudka gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo gabagabeeyeen heshiis iskaashi oo dhinaca sirdoonka ah. Agaasimeyaasha sirdoonka labada dal ayaa ku heshiiyey is-dhaafsiga xogta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM