Soomaaliya oo Itoobiya u aqoonsatay "saaxiib istiraatiiji ah"

Image
Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee ammaanka labada waddan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa carabka ku adkeeyay in iskaashiga laba geesoodka ah iyo kuwa badan ee kala dhaxeeya Itoobiya uu sii socon doono.

Xasan Sheekh oo sii hadlaya ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay tahay "saaxiib istiraatiiji ah oo xooggan" oo Soomaaliya ay ku leedahay mandiqada Geeska qaaradda Afrika.

Hadalkan ayuu Xasan Sheekh shaaca ka dhigay Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay kadib markii uu la kulmay safiirka Itoobiya ee xilka ka degaya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Xukuumadda Addis Ababa ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay door muhiim ah ka qaadatay nabadeynta iyo xasilloonida gobolka. Itoobiya waxay kamid tahay dalalka ciidanka ku taageeray ATMIS.

Dhanka kale, Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in madaxweynaha uu uga mahad celiyay Addis Ababa taageerada ay ka geysatay ololaha la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee ammaanka labada waddan. Kooxda ayaa dhamaadka sanadkii hore 2022 waxay isku-dayday in ay ka talaabto xuduudka gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo gabagabeeyeen heshiis iskaashi oo dhinaca sirdoonka ah. Agaasimeyaasha sirdoonka labada dal ayaa ku heshiiyey is-dhaafsiga xogta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM