Soomaaliya oo ka hadashay Turki "lagu xasuuqay" Iraq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay dil 13 qof oo u dhashay Turkiga ay kooxda PKK ugu geysteen waqoyga Ciraaq, falkaas oo xukuumadda Ankara ay ku qeexdey "xasuuq wadareed".

Sidda uu daabacay wargeyska Daily Sabaax, xukuumadda Muqdisho ayaa kamid ah dalalka dhambaalka tacsida ah la wadaagay Ankara kadib ficilkaas oo dhacay todobaadkan markii kooxda PKK ay qafaalatay shaqsiyaadkaas.

Lama ogga goobta ay dowladda Soomaaliya u marisay Turkiga tacsidaas maadaama uusan jirin qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ama Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dadkaas la laaley waxaa ku jira saraakiil boolis iyo milatari, sidda ku xusan warbixinadda oo intaas ku daraya in la khaarijiyey xilli ciidanka Turkiga ay wadeen howlgal ay doonayeen in ay kusoo badbaadiyaan muwaadiniintaas.

Turkiga ayaa bishaan bilaabay hawlgal militari oo ka dhan ah saldhigyada PKK ee waqooyiga Ciraaq oo Erdogan uu sheegay Isniintii in loogu talagalay qayb ka mid ah sii deynta 13 qof ee la qafaashay.

Ugu yaraan 48 xubnood oo ka tirsan kooxda hubeysan ee Kurdiyiinta ayaa sidoo kale lagu dilay howlgalka, sida uu sheegay wasiirka difaaca ee Turkiga.

PKK, oo ay ku tilmaameen koox "argagixiso" Mareykanka iyo xulafada kale ee reer galbeedka ee Turkiga, ayaa wadda kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dowladda Turkiga tan iyo sanadkii 1984 waxaana la rumeysan yahay in ay dileen tobanaan kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM