Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii lagu qaaday Abu Dhubi

Image
Dadka dhintay laba ka mid ah waxay u dhasheen India, halka qof kalena uu ka soo jeedo Pakistan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukumadda xilgaarsiinta ah, Cabdisaciid Muuse Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay weeraradii xooganaa ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka.

Cabdisaciid ayaa sheegay in dowladda federaalka ay si kulul u cambaareyneyo weeraradaas oo ay fulisay kooxda Xuutiyiinta oo adeegsatay diyaarado drone oo qaraxyo xambaarsan.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay tacsi u dirayaan qoysaska ay dadkooda ku dhinteen weeraradaas, kuwa dhaawaca ahna ay u rajeynayaan caafimaad deg-deg ah.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda,” ayuu sii raaciyey wasiir Cabdisaciid.

Weeraradan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday illaa saddex qof, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska.

Dadka dhintay sidoo kale laba ka mid ah waxa ay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu ka soo jeedo waddanka Pakistan.

Imaaraatka – oo xubin ka ahaa isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta, oo si rasmi ah u taageeraya dowladda Yemen, tan iyo bishii March 2015-kii – ayaa inta badan ka fogaaday xariiqda rasaasta ee Xuutiyiinta.

Sacuudiga ayaa la kulmay duqeymaha ugu badan ee gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee laga soo diray Yemen, waxaana weerarkii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta ay ku qaadeen Imaaraadka uu ahaa sanadkii 2018-kii.

Imaaraadku waa ka fog yahay Yemen, mana jirto wax xuduud ah oo uu la wadaago waddanka, si ka duwan xudduudda dheer ee Sacuudi Carabiya uu la leeyahay Yemen. Laakin waxaa sidoo kale muuqatay in muddo dheer ay jirtay istaraatiijiyad firfircoon oo Xuuthiyiintu ay ku doonayeen in aysan bartilmaameedsan Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM