Soomaaliya oo lagu casuumay Shir ka dhacaya Ruushka [Yaa ku matelaya..?]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka h ee Soomaaliya ayaa lagu casuumey Shir heer caalami ah oo 16-ka bishaan April ka furmaya dalka Ruushka.

Safaaradda Soomaaliye ee Ruushka ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad uu dowladda ku mateli doono Shirka Moscow, oo ah mid u dhaxeeya Jaamacadda Carabta iyo Ruushka.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda ayaa sidoo kale lagu xusay in kulanka uu noqonayo midkii midkii 4aad oo ay ka qeybgasho dowladda, oo ugu dambeeyay kii lagu qabtey dalka Imaaraadka 2017.

Lama shaacin wali ajandooyinka Shirka Ruushka iyo madaxda dalalka Ururka Jaamacadda Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay safaradda joogtada ee madaxa sare iyo wasiiradda xilli dacayacaad amni iyo khilaafyo siyaasadeed ay ka jiraan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM