Soomaaliya oo ka qeybgashay shir lagu laalay ciqaabta dil toogashada

Image
Kulankan ayaa ahaa Kalfadhigii saddexaad ee caadiga ahaa ee Baarlamaanka Lixaad ee Baarlamaan weynaha Afrika.

NAIROBI, Kenya - Kalfadhigii saddexaad ee caadiga ahaa ee Baarlamaanka Lixaad ee Baarlamaan weynaha Afrika oo socday intii u dhaxaysay 24-kii Juun ilaa 5-tii Luulyo,2024 ayaa lagu soo gaba gabeeyay xarunta baarlamaanka Pan-Afrika ee ku taal Magaaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Africa,waxaana Soomaaliya shirkaasi ku mataleysay Xildhibaan Gobsan Maxamed Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BJFS.

Shirka sanadkan oo mowduuciisu ahaa nidaaminta Iyo kordhinta helitaanka waxbarasho tayo leh oo loo dhanyahay qaaradda Afrika ayaa mudadii uu socday waxa ay ka qeyb galayaasha shirka ka doodeen warbixino ka kooban 12-qodob (laba Iyo toban qodob) oo ay soo bandhigeen guddiyo loo xilsaaray,waxaana qodobada aadka looga dooday ka mid ahaa in baarlamaanka Afrika uu noqdo sharci dejiye rasmi ah Iyo Sidoo kale ansixinta xeerarka qabyada ah ee la xiriira nidaamyada mideeyay wadamada Midowga Afrika.

Go,aanada shirka kasoo baxay.

1-Qaraarka Mawduuc sanadeedka Midowga Afrika ee 2024 oo ku saleysnaa Nidaaminta iyo Kordhinta Helitaanka Waxbrasho tayo leh oo loo dhanyahay Afrika.

2-Go'aanka Ansixinta Sharciga Xeerka Iskaashatooyinka Afrika.

3-Go'aanka caqabadaha hortaagan fulinta wax ku oolka ah ee go'aamada maamulka Midowga Afrika iyo hay'adaha xuquuqul insaanka.

4- Go'aanka baabi'inta ciqaabta dilka ee Afrika.

5- Qaraarka Tixgelinta Warbixinta Waxqabad ee Baarlamaanka Pan-Afrika.

6- Go'aanka Horumarinta Dhaqdhaqaaqa isku socodka xorta ah ee Afrika.

7- Go'aanka maalgelinta guddiyada gobolka ee baarlamaanka Pan-Afrika.

8- Go'aanka Ku Saabsan Daroogada oo caqabad ku ah Waxbarashada loo dhanyahay tayo sarena leh ee la xiriirta Afrika.

9- Qaraarka Natiijadii ka soo baxday Shirweynihii 14-aad ee Baarlamaanka Afrika ee Xuquuqda Haweenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM