Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlayo caqabadaha biyo helida

Image
Madashaan ayaa waxaa lagu qabtay Magaala Xeebeedka Jaziiradda Bali ee Dalka Indonesia.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu Hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta Iyo Kheeyraadka Biyaha Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa lagu soo dhoweeyey Dalka Indonesia oo uu kaga qeeyb gelayo Shirka Madasha 10aad ee Biyaha ( 10th World Water Forum).

Madashaan oo lagu qabtay Magaala Xeebeedka Jaziiradda Bali ee Dalka Indunuusia waxaa furay Madaxwaynaha waddankaas oo Khudbad ka jeediyey waxaana looga doodi doona caqabadaha Guud ee Biyaha iyo sidoo kale heerka daboolka biyaha, xal u helidda khaliaafadka biyaha ee hadda taagan, iyo hirgelinta go'aamadii ka soo baxay Shirweeynihii Biyaha Dunida (UN water conference New York 2023).

Wasiiru Dowlaha ayaa warbxin ka Jeediyey madasha, inta Madashu socotana kulamo gaar gaar ah ayuu la yeelan doonaa Wafuudda sare ee ka socda waddamada cilaaqaadka biyaha uu nagala dhaxeeyo & Hey'addaha Hormarinta biyaha ka shaqeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM