Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka 60-aad ee Golaha Wasiiradda Carabta

Image
Madashan ayaa waxa ay gaar u ahayd Wasiiradda Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsha Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa ka qayb galay kulanka 60-aad ee Golaha Wasiiradda Carabta. Shirka oo ahaa shir-doceed ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Marriot ee magaalada Geneve ee dalka Switzerland.

Kulanka oo ay kasoo qayb galaan Wasiiradda Wasaaradaha Caafimaadka ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa diiradda lagu saaraa iska waraysiga waxyaabaha kusoo kordhay hannaanada Caafimaadka ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya uga qayb galaya kulan waynaya caafimaadka adduunka oo shir-doceedkan ka qayb galay ayaa khudbad uu jeediyay kaga warbixiyay dadaalka ay Wasaaraddu ugu jirto xoojinta nidaamka caafimaadka dalka.

Dhanka kale wuxuu Wasiirku ku adkeeyay wadamada ku midoobay Urrurkani in ay iska kaashadaan kordhinta dhakhaatiirta takhasusiga ah ee wadamadan, si gaar ah na loo garab istaago wadamada ay Soomaaliya ka mid tahay sidii ay u heli lahaayeen deeqo waxbarasho oo la siiyo dhakhaatiirta takhasusiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM