Soomaaliya oo kamid noqotey 10-ka dal ee ugu dambiyada badan

Image
Dambiyada ka dhaca Soomaaliya ayaa isugu jira dilal qorsheysan, weeraro argagixiso iyo dhac.

MUQDISHO, Soomaaliya - World of Statistics ayaa waxay soo bandhigtey qiimeynta "wadamada ugu dambiyada badan" guud ahaan caalamka waxaana tobbanka dal ugu horeeya kasoo dhex-muuqatay Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtey qiimeyntan, Soomaaliya ayaa kusoo baxdey kaalinta sideedaad waxaana ka horeeya oo koowaad soo galay Venezuela ee dhaca xeebta waqooyi ee Koonfurta Ameerika.

Liiska tobbanka dal ee ugu horeeya ayaa kala ah; Venezuela (1), Papua New Guinea (2), Afgaanistaan ​​(3), Koonfur Afrika (4), Honduras (5), Trinidad (6), Guyana (7), Suuriya (8), Soomaaliya (9) iyo Jamaica (10).

Dambiyada ka dhaca Soomaaliya ayaa isugu jira dilal qorsheysan, weeraro argagixiso iyo dhac. Inta badan falalkan waxaa geysta dagaalameyaasha Al-Shabaab, Daacish iyo kooxo abaabulan oo burcad ah.

Ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay mararka qaarkood geystaan fal-dambiyeedyo dilal iyo dhac ah wallow xukuumadda ay si weyn hoos-ugu-dhigto arrinkaas.

Dhinaca kale, Hindiya gashay kaalinta 77 halka Mareykanka iyo UK ay ka horeeyeen Hindiya. Maraykanku waxa uu ku jiray lambarka 55-aad halka UK ay ku jirtay darajada 65-aad, sidda ay sheegtey World of Statistics.

Dowladaha Turkiga, Jarmalka, iyo Japan ayaa, sidda laga soo xigtay qiimeynta World of Statistics, waxay kamid yihiin dalalka ugu dambiyada yar, kuwaas oo kala galay 92aad, 100aad, iyo 135aad, sidda ay u kala horeeyaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM