Soomaaliya oo kamid noqotey 10-ka dal ee ugu dambiyada badan

Image
Dambiyada ka dhaca Soomaaliya ayaa isugu jira dilal qorsheysan, weeraro argagixiso iyo dhac.

MUQDISHO, Soomaaliya - World of Statistics ayaa waxay soo bandhigtey qiimeynta "wadamada ugu dambiyada badan" guud ahaan caalamka waxaana tobbanka dal ugu horeeya kasoo dhex-muuqatay Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtey qiimeyntan, Soomaaliya ayaa kusoo baxdey kaalinta sideedaad waxaana ka horeeya oo koowaad soo galay Venezuela ee dhaca xeebta waqooyi ee Koonfurta Ameerika.

Liiska tobbanka dal ee ugu horeeya ayaa kala ah; Venezuela (1), Papua New Guinea (2), Afgaanistaan ​​(3), Koonfur Afrika (4), Honduras (5), Trinidad (6), Guyana (7), Suuriya (8), Soomaaliya (9) iyo Jamaica (10).

Dambiyada ka dhaca Soomaaliya ayaa isugu jira dilal qorsheysan, weeraro argagixiso iyo dhac. Inta badan falalkan waxaa geysta dagaalameyaasha Al-Shabaab, Daacish iyo kooxo abaabulan oo burcad ah.

Ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay mararka qaarkood geystaan fal-dambiyeedyo dilal iyo dhac ah wallow xukuumadda ay si weyn hoos-ugu-dhigto arrinkaas.

Dhinaca kale, Hindiya gashay kaalinta 77 halka Mareykanka iyo UK ay ka horeeyeen Hindiya. Maraykanku waxa uu ku jiray lambarka 55-aad halka UK ay ku jirtay darajada 65-aad, sidda ay sheegtey World of Statistics.

Dowladaha Turkiga, Jarmalka, iyo Japan ayaa, sidda laga soo xigtay qiimeynta World of Statistics, waxay kamid yihiin dalalka ugu dambiyada yar, kuwaas oo kala galay 92aad, 100aad, iyo 135aad, sidda ay u kala horeeyaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM