Soomaaliya oo kamid noqotey "hubka lagu garaaco" Shiinaha

Image
Dhanka kale, dalalka qaaradda Afrika ayaa u xuub-siibtey "xaabada hurinaysa" loolanka Washington iyo Beijing.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wadamada soo koraya oo ay ku jiraan kuwa Afrikaan ah ayaa noqdey hubka ugu weyn ee reer galbeedka u adeegsadaan dhaleeceynta waxa ay ku sheegeen xadgudubka dalka Shiinaha ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Toddobaadkii hore, Mareykanka ayaa isku-dabariday koox ka kooban 50 wadan ayna ku jirto Soomaaliya kuwaasoo cambaareeyay sida Shiinaha uu ula dhaqmayo dadka ku nool dhowr gobol kuwaasoo u badan Muslimiin.

50-ka dal ayaa u badnaa wadamada reer galbeedka sida Mareykanka, Canada, Denmark, Norway, UK iyo Switzerland iyo Saddex waddan oo Afrikaan ah Eswatini, Liberia iyo Soomaaliya.

War-saxaafadeedka wadajirka ah oo lasoo dhex-marsiiyey Hay'ada UN-ka ee Xuquuqda Aadanaha ayay shaaca kaga dhigeen in Bejing ay gabood-falo isugu jira jirdil, xarig joogto ah, isir-sifeyn iyo burburinta Masaajid.

"Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda xuquuqda aadanaha ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, gaar ahaan xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee socda ee Uyghurs iyo Muslimiinta kale ee laga tirada badan yahay ee Xinjiang," ayay xuseen.

Shiinuhu wuxuu ka soo horjeestay dhaleeceynta, isagoo helay bayaan wadajir ah ayna soo saareen 60 waddan oo uu hoggaamiyo Cuba, kuwaaso sheegay in arrimaha Xinjiang, Tibet iyo Hongkong ay yihiin arrimaha gudaha Shiinaha.

Taageerayaasha baaqan ee wadamadda qaaardda hodanka ah ee Afrika ayaa waxaa ka mid ahaa Zimbabwe, Suudaan, Suudaanta Koonfureed, Equatorial Guinea iyo Masar.

Cuba iyo Zimbabwe ayaa si gaar ah u dhaleeceeyay reer galbeedka, sababtoo ah waxaa saaran cunaqabateyn Mareykanka uu saaray oo ay ku doodayaan inay curyaamiyeen dhaqaalahooda.

Is-qabqabsigan ayaa siinaya madaxweyne Xi Jinping shiraac fudud si uu u sii wado fulinta siyaasadihiisa ku wajahan dhismaha dowlad awood badan oo Shiinees ah taasoo ku gacan-sareysa aduunka.

Xi ayaa loo arkaa hoggaamiyaha ugu awoodda badan Shiinaha tan iyo Mao Zedong, aasaasihii Shiinaha casriga ah, isla markaana xukumayay Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha iyada oo aan la tartamin muddo 27 sano ah intii u dhaxeysay sanadihii 1949-1976.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM