Soomaaliya oo ku biirtey liiska shanta dal ee fuliya dilalka toogashada ugu badan

Image
Soomaaliya oo ku biirtey liiska shanta dal ee fuliya dilalka toogashada ugu badan

NAIROBI, Kenya - Dilalka toogashada ee la diwaan galiyay ayaa kor ugu kacday tiradii ugu badneyd muddo toban sano ah sanadka 2023-ka iyadoo ay aad sare ugu kacday guud ahaan Bariga Dhexe iyo Soomaaliya.

Bariga Dhexe iyo Soomaaliya ayaa xukunada dilka ah ay kordheen in ka badan lix jeer, sidda lagu sheegay warbixin kasoo baxdey Hay'adda u dooda Xuququda Aadanaha ee Amnesty International.

Amnesty International ayaa warbixinteeda sanadlaha ah waxa ay ku sheegtay in isticmaalka xukunka dilka toogashadda uu wali wadamadda qaarkood ka yahay dookha koowaad ee ciqaabta.

Guud ahaan caalamka, 1,153 dil oo la yaqaan ayaa dhacay 2023, kuwaas oo aysan ku jirin kumannaanka la rumeysan yahay in lagu fuliyay Shiinaha, taasoo muujineysa koror ka badan 30% marka loo eego 2022.

Waa tiradii ugu sarreysay ee ay diiwaan geliso Amnesty International tan iyo 2015 markaas oo 1,634 qof la ogaaday in la toogtay guud ahaan wadamadda caalamka oo dhan.

"Shanta dal ee ugu sareeya ayaa kala ahaa Shiinaha, Iran, Sacuudiga, Soomaaliya iyo Mareykanka," ayaa lagu yiri warbixinta sanadlaha ah ee kasoo baxdey Amnesty International.

Sikastaba ha ahaatee, maadaama ay tahay ummad 100% Muslimiin ah, Soomaaliya ayaan wax gorgotan ah laga geli karin fulinta qisaasta dilka toogashadda ah marba haddii eedeysanaha uu ku lug-yeesho fal dil ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM