Soomaaliya oo Kuuriyada Koonfureed waydiistay kaalmo naadir ah

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dalabkan hor-dhigay Madaxweynaha Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Kuuriya.

GAROWE, Puntland - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso. 

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka warramay muhiimadda uu dalkeennu u leeyahay is-beddelka dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da'doodu ka yar tahay 30 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug leh loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET). 

Dhinaciisa Madaxweynaha Hey’adda KOICA waxa uu muujiyay sida ay uga go'an tahay inay taageeraan hindisayaasha uu Raiisul Wasaaraha kala hadlay gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM