Soomaaliya oo Kuuriyada Koonfureed waydiistay kaalmo naadir ah

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dalabkan hor-dhigay Madaxweynaha Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Kuuriya.

GAROWE, Puntland - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso. 

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka warramay muhiimadda uu dalkeennu u leeyahay is-beddelka dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da'doodu ka yar tahay 30 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug leh loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET). 

Dhinaciisa Madaxweynaha Hey’adda KOICA waxa uu muujiyay sida ay uga go'an tahay inay taageeraan hindisayaasha uu Raiisul Wasaaraha kala hadlay gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM