Soomaaliya oo la siiyey "talo xal u ah" dadka garsoorka u doonta AlShabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya, Baasha Yuusuf Axmed, ayaa magaaladda Muqdisho, wuxuu kulan kula yeeshay danjiraha Mareykanka, Donald Y. Yamamoto.

Kulanka oo ka qabsoomay safaaradda xukuumadda Washington ee magaala madaxda waddanka ayaa waxaa looga arrin-sadey arrimo ay kamid yihiin xaalada garsoorka dalka iyo dib habeynta ku socota.

Mr Baashe ayaa waxa uu u sheegay diblumaasiga in ay ka shaqeynayaan sidii ay u soo celin lahaayeen kalsoonida ay bulshadu ku qabaan Maxkamadda dowladda iyo nidaamka cadaaladeed ee qaranka.

Yamamoto oo hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay soo celinta kalsoonida dadweynaha ayaa waxa uu u balanqaadey gudoomiyaha in ay kala shaqeyn doonan qorsheyaashi ay wadaan.

Garsooreyaasha federaalka ayaa waxaa aad loogu dhaliilaa "in ay qaataan laaluush, ayna cadaalado darro u xukmiyaan muwaadinka sharciga u lahaa gal-dacwadeedka".

Tani ayaa dhabaha u xaartay in rayidka qaarkii ku nool magaaladda caasimadda ah ay cadaalad u raadsadaan dhanka argagixisadda AlShabaab, taasi oo xukuumadda digniin horey uga soo saartay.

Inta badan dadka garsoorka u doonta xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa waxaa la wariyaa in ay isku hayaan lahaanshiyaha dhul ama kiisas kale.

Yamamoto oo qadiyaddan kusoo qaadey Baashe ayaa lagu waramayaa in uu kula taliyey in "qaabka kaliya ee wax looga qaban karo ay tahay soo nooleynta kalsoonida rayidka ku qabo garsoorka dowladda".

Mareykanka ayaa ka taageera Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah AlShabaab, dhaqaalaha iyo barnaamjiyadda horumarinta oo ay kamid tahay arrimaha bini’aadanimadda iyo kobcinta dakhliga.

AlShabaab oo Muqdisho laga saarey 2007-dii kadib guluf balaaran ayaa wali saameyn ku leh, waxayna ka fulisaa weeraro dhiig ku daato xili ay sanad walba ka hesho malaayiin dollar, iyagoo u maray canshuur uruurin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM