Soomaaliya oo la talisay Sweden kadib gubida Kitaabka Qur'aanka

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa ku biirtey dalalka caalamka iyo Carabta ee cambaareeyay falkan foosha xun.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa ku biirtey dalalka caalamka iyo Carabta ee cambaareeyay falka lagu gubay Kitaabka Qur'aanka ee dowladda Sweden ay ogolaanshiyaha rasmiga ah u bixisay.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ayaa ogolaanshiyahaas ku qeexay "aflagaado ka dhana h karaamada iyo qiyamka Islaamka" iyo "wax aan la aqbali karin".

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA SOOMAALIYA

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa si kulul u cambaareysay falkii ay mas’uuliyiinta Sweden ugu ogolaadeen nin xag jir ah inuu ku gubo afaafka Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kitaabka Qur’aanka Kariimka ah Sabtidii (January 21), taasoo ka dhigan xadgudub cad oo ka dhan ah xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.

In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan demagogic ah oo kor u qaada nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay cadeyneysaa mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku baaqaya muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wada-tashiga, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo colaadaha, waxayna dib u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado hurinta nacaybka iyo hurinta colaadaha iyada oo la adeegsanayo xadgudubka iyo qalloocinta diimaha, xurmada iyo caadooyinka Islaamka.

Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorinaysaa beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.


Rasmus Paludan oo ah hogaamiyaha xisbiga Stram Kurs (Hard Line) oo ay ilaalinayaan booliska Sweden ayaa falkan ku kacay. Muuqaalka iyo sawirada laga qaadey dhacdadaas ayaa abuuray carro caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM