Soomaaliya oo la wareegtay shir gudoonka wasiirada Jamaacada Carabta

Image

QAAHIRA, Masar - Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah ula wareegtay shir gudoonka gollaha wasiir arrima dibadeedyadda ururka Jamaacadda Carabta, kaasoo ay hayn doonto mudo lix bilood ah.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka xiriirka iyo iskaashiga caalamka ee xukuumada Federaalka ah ayaa isla maanta wuxuu gudoomiyay kulankii 151-aad oo uu yeesho gollahaasi.

Shirkaan oo ka qabsoomay magaaladda Qaahira ee caasimada dalka Masar ayaa looga hadlay qodobo kala duwan, inkasta oo uu quseeyay la wareegista Soomaaliya ee shir gudoonka.

Wasiir Cawad oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mudada uu shir gudoonka hayo uu Golluhu yeesho kulamo wax ool ah kuwaasoo ay kasoo baxaan natiijo fiican.

Cawad ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo casho sharaf ay Soomaaliya u sameyneyso in ka badan 300 diblumaasi oo ay ku jiraan wasiir arrima dibadeedyada, taasoo ah mahadcelin.

Ururka Jamaacada Carabta oo la aas-aasey 1945-tii ayaa waxaa ku mideysan 22-dal, xili Soomaaliya ay ku biirtay 1974-tii markaasoo ay ku beegneed 14-sano kadib markii ay xorriyada soo ceshatay.

Waa markii ugu horeysay sanado badan kadib in ay Soomaaliya la wareegto shir gudoonka gollaha wasiir arrima dibadeedyadda Ururkaasi, talaabo siineysa dalka leh xeebta ugu dheer Afrika maqaam sarre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM