Soomaaliya oo "laba wajiilanimo" ku eedeysay Beesha Caalamka

Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dhowaan Golaha Ammaanka diidey qaadida xayiraada hubka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga gilgilatay go’aankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee lagu kordhiyay waqtiga cunaqabataynta Soomaaliya saaran.

Xukuumadda Muqdisho iyo ururka Midowga Afrika ayaa soo jeediyey in Soomaaliya ay joogto waqtigii laga qaadi lahaa xayiraadan maadaama waddanka uu ku jiro "xaalad dagaal".

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa luuqaddii ugu adkayd uga jawaabay qaraarka cusub ee Golaha Ammaanka, wuxuuna ku tilmaamay ‘labo wajiileyn’ Beesha Caalamka la timid.

Abuukar Cusmaan BAaale ayaa waxa uu intaas ku daray in Beesha Caalamka ay dowladda Soomaaliya iska hor taagayso in ay soo dajisato hubkii ay ku jabin lahayd maleyshiyada Al-Shabaab.

"Isla iyagaas hortaagan in Dowladda Soomaaliyeed ay lasoo dagto hubkaas ayaa doonaya in la jabiyo argagixisadda Al-Shabaab, waana laba wajiileyn," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Diblumaasiga ayaa ku dooday in ciidanka xoogga dalka ay isticmaaleen intii badnayd hubkii ay haysteen kadib hawlgaladii dhowaanahan ka socday dalka, sidaasi awgeed hadda ay dowladda gacmaha ka xirantahay oo aysan haysanin hub ku filan.

Abuukar Cusmaan waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku adagtahay in ay fahamto sababta Beesha Caalamka dhibaato ugu tahay in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM