Soomaaliya oo laga xaqiijiyey geeri iyo kiisas horleh oo ah Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 85 xaaladood cusub oo ah safmareenka Coronavirus.

Sidda lagu sheegay warbixinta maalinlaha ah ee 6-da, May, 2020, kiisaska cusub ayaa laga diiwaan-geliyey Somaliland: 29, Benadir: 19, Galmudug: 17, Jubbaland: 14, Koonfur Galbeed: 5 iyo Hirshabelle: 1.

Bukaanadda cusub oo u badan kuwa lagu daartay ama ay qaad-siiyeen shaqsiyaad horey uu u heelay cudurka waxaa Lab ah 58, halka 27-da kalana ay yihiin Haween ama Dhedig, sidda lagu caddeeyay warbixinta.

Wadarta kiisaska ayaa waxay noqoneysaa 2,289, taas oo la macno ah in ay ku dhow-dahay 2,300 oo ay buux-sami karto saacadaha soo aadan.

Nasiib darro, waxaa cudurka sidda fudud u faafa u geeriyooday saddex muwaadin oo horleh, taas oo wadarta guud ahaan ka dhigaysa 82 marxuum.

Hase ahaatee, waxaa ka caafimaadey saddex iyo tobban [13] bukaan oo horleh, waxaana tiradda guud ee bogsashadda ay sii cagacageyneysaa 431 qof.

Gudaha Soomaaliya, xanuunka waa mid si aayar ah ugu sii faafaya gobolada iyo magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Balse, dadweynaha waxaa lagu dhaliilayaa in ay ku dhaqmeyn fariimaha wacyi-gelinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM