Soomaaliya oo lagu daray liiska dalalka "uu aafeeyay" Coronovirus

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Sacuudiga ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay in uu joojiyey Cumrada. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas waxay go'aankaas ku qeexdey mid "ku meel gaar ah".

Sidda ku xusan war-saxaafadeed, talaabadaan ayaa la xiriirta ka hortaga faafintaanka caabuqa dilaaga ah ee Coronovirus, kaasoo dunida khatar ku ah.

Wasaaradda ayaa daabacday liiska dalal ay sheegtay in uu "aafeeyay" cudurkaan galaaftay nolosha in ka badan 30-kun oo ruux.

Liiskaas oo warbaahinta loo dusiyey waxaa kasoo muuqday Soomaaliya, dal dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Wadamada ayaa kala ah;

China, Iran, Italy, Korea, Japan, Thailand, Malaysia, Indonesia, Pakistan, Afghanistan, Philippines, Singapore, India, Lebanon, Syria, Yemen, Azerbaijan, Kazakhstan, Uzbekistan, Somalia iyo Vietnam.

Talaabada Riyadh ayaa timid iyaddoo dowladda federaalka Soomaaliya ay horey u shaacisay in dalka aanan laga helin kiis la xiriira Coronovirus isla markaana uusan ku jirin "kuwa u nugul".

Shirkadaha duulimaadyadda caalamiga ah sameeya ayaa bilaabay in ay muwaadiniinta wadamadaas ka mamnuucaan diyaaradooda, waxaana talaabada ugu horeysay qaadey diyaaradda Imaaraadka.

Coronovirus oo kasoo bilowday gobolka Wuhan ee China ayaa si dhaqsiyaha ugu faafay qaar kamid ah dowladaha ugu tunka weyn caalamka, taas waxay xoojisay cabsida laga qabo in uu meelo kale gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM