Soomaaliya oo loo dalbay aduun dhan lacag dhan $416 milyan

Image
Lacagtan ayaa la sheegay in loo baahan yahay inta u dhaxaysa Noofambar iyo Abriil 2023.

NAIROBI, Kenya - Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa u dhawaaqdey inay u baahan tahay 416 milyan oo doollarka Maraykanka ah lixda bilood ee soo socota si looga hortago macluusha Soomaaliya.

WFP waxay xustey in lacagaha loo baahan yahay inta u dhaxaysa Noofambar iyo Abriil 2023, ay ku jirto 356-milyan oo doollar oo ka dhiman dhanka cuntada iyo gargaarka nafaqeynta.

"Waxaan filaynaa in aan lacagtan helno dhamaadka bisha November. Wixii macluumaad ah soo soo kordha waxay ku eegi doonaa xaalada cunto yari ee la filan karo," ayay tiri WFP.

Qoraalka ayaa intaas u daray: "Natiijada cusub waxay qeexi doontaa saadaasha cusub ee Janaayo ilaa Juun 2023". Bayaankan ayaan ciwaankiisu ahaa xaaladda ka hortagga macluusha Soomaaliya.

Warbixintan ayaa, sidda ay sheegtay hay'adda, waxaa lagu saleeyay qiimeyn laga sameeyay guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan goobaha la saadaaliyey in ay wajihi karaan cunto yari.

Qormadda ayaa intaa ku dartay in gargaarkii cuntada ee ay bixiyeen WFP iyo hay'adaha kale ee bani’aadantinimo ay meesha ka saartay natiijadii ugu darnayd ilaa hadda, balse ay sii socoto.

"Caawimada waa mid muhiim ah bilaha soo socda," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah kaasoo ka dalbadey deeq-bixiyeyaasha in ay si degdeg ah kaga soo jawaabaan codsiga hay'adda Cunnada dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Al-Shabaab oo weerartay saldhig laga ilaaliyo amniga Baydhabo

Waxaa weli socda dadaallo lagu xoojinayo ammaanka si looga hortago weerarro kale oo kooxdu qorshaynayso inay fuliso.

  • Soomaliya

    23-06-2025

  • 11:41AM

Uganda oo 7 Askari looga dilay howlgal lagu qabtay deegaan ku dhaw Muqdisho

"Nasiib darro, waxaan ku weynay toddoba askari intii lagu guda jiray dagaalka," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye.

  • Soomaliya

    23-06-2025

  • 08:23AM