Soomaaliya oo xil sarre ka heshay golaha loo dhanyahay ee UN-ka

Image

WASHINGTON, US - Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka Golaha Guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Mudada xil-heynta Baalle oo kamid noqonaya shir-gudoonka fadhiga 75aad ee golaha ayaa hal sano, 2020-21. Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa u dabaaldegtay doorashada.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta mareegaha Twitter-ka ee safaaradda ayaa lagu sheegay in doorashadan ay "sharaf u tahay" dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay kamid noqoto shir gudoonka tan iyo burburka uu haatan kasoo kabanayo dalka ee bilowday sanadka markii uu ahaa 1991-dii kadib dagaal sokeeye.

Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee xilkaan soo qabtay waxaa kamida; Xasan Cilmi (1963-64), Cabdirisaaq Xuseen iyo Axmed M. Aadan [Qaybe] (1979-1980) iyo Cabdullaahi S. Cusmaan (1986-87).

Volkan Bozkır, oo u dhashay dalka Turkiga, ayaa sanadkan loo doortay madaxweynaha fadhiga 75aad ee Golaha Guud ee UN-ka. Diblumaasiga waa ergayga Ankara ee Qaramada Midoobay.

Turkiga ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya, waxaana xukuumadda jirta oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo ay bil walba siiyaa dhaqaale la sheegay in lagu kabo miisaaniyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM